Al-shabaab “43 ciidanka AMISOM ah ayaan dilnay”

Hiiraan-RisaalaFM- War kooban oo goor dhow ururka Al-shabaab ay ku soo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegeen in ay dileen ku dhowaad 40 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaalo culus oo saakay aroortii hore ka bilowday deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

War rasmi ah oo ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in 40 askari Itoobiyaan ah lagu dilay weerar xoogan oo ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu bilowday saakay aroortii ilaa iyo hadana la maqlayo rasaas goos goos ah, waxaana ay sheegeen in ay dadka deegaanka in ay walaac badan uu soo wajahay.

Ilaa iyo hada maamulka gobolka Hiiraan iyo Taliska ciidamada AMISOM kama aysan hadlin, waxaana xusid mudan in maalmihii u dambeeyey AMISOM ay gobolka Hiiraan ka wadeen howlgal culus oo Al-shabaab looga saarayo gobolka.