Beydhabo-RisaalaFM- Dowladda Emirate-ka Carabta, ayaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay ku wareejisay 11 gaadiid ah, deeqdan oo qayb ka ah taageerada Emirate-ka uu siinayo dowladda Dhexe Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan.
Gaadiidkan oo ka kooban 11, ayaa isugu jira Gawaarida aan rasaastu karin, kuwa ciidanka, booyad iyo mid ka mid ah gawaarida gurmadka deg dega ee loo yaqaano.
Safiirka Emirate-ka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa Arbacadii gaadiidkan ku wareejiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Safiirka, ayaa muujiyay in taageeradan ay qayb ka tahay midda Emirate-ka Carabta uu siinayo Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo deeqdan kula wareegay Magaalada Muqdisho, ayaa Emirate-ka Carabta kaga mahadceliyay deeqda uu soo gaarsiiyay Maamulka uu hogaamiyo.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dowladda Emirate-ka ku amaanay mid garab taagan dowladda iyo shacabka Somaliyeedba.
Safaaradda Emirate-ka Carabta ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, ayaa deeq gaadiid horey ugu wareejisay Dowladda Dhexe Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada qaarkood.


