Xarunta Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Munaasabad loogu tala galay in qori tuur loogu sameeyo Iskuulladii usoo gudbay Wareegga Labaad ee tartanka Risaala.
Waxaa Wareegga Labaad usoo gudbay 8 Iskuul sidda ay shaaciyeen Guddiga Tartan Iskuullada Risaala.
Tartankan ayaa waxaa maalgelinaya Shirkadda Cabitaanada ee Cocacola, taasi oo Iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan siineysa Abaalmarino ay ku farxaan, inta aan la gaarin ciida, si ay ugu ciideestaan.
Wareegga Labaad ee Iskuullada ayaa Siddaan noqday:
AL- ANWAAR VS ABII XANIIFA
GOLOBAL VS HIIGSI
AL- SAFFA vs AL –NAHDA
BOQOR FAHAD vs SAAXIIL




