Jidah-RisaalaFM- War Qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in 47 Qof oo Xujey ah ay sanadkan ku dhinteen Xajka, kuwaas oo gudanayay waajibaadka Xajka.
Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay Liis ay ku qoran yihiin Wadamada ay u dhasheen Xujeyda sanadkan ku geeryootay Xajka, iyadoo sidoo kale sheegtay dadka Xajka sanadkan ku dhintay in ay u badnaayeen Dad Da’ah.
- Ciraaq oo 20 Qof ah
- Suudaan oo 6 Qof ah
- Algeria oo 4 Qof ah
- Soomaaliya oo 3 Qof ah
- Marocco oo 3 Qof ah
- Tunisia oo 3 Qof ah
- Syria oo 3 Qof ah
- Falastiin oo 2 Qof ah
- Jordan oo 2 Qof ah
- Liibya oo 1 Qof ah.
Fahad Abuu Daalib Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka ayaa sheegay in Meydadka Xujeyda dhintay ay ku jiri doonaan Firinjeerka ilaa uu ka dhamaano Xajka.


