Baydhabo-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Muqtaar Axmed Ibraahim ayaa wuxuu baaq u diray Ganacsatada keenta Mootooyinka Bajaajka Magaalada Beydhabo.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Guddiga Nabadgelyada Magaalda Baydhabo ay yeesheen kulan Amniga looga hadlayay, kaas oo si gaar ah u quseeyay Ganacsatada Bajaajka soo gelisa Magaalada Baydhabo.
Muqtaar Axmed Ibraahim Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sidoo kale wuxuu digniin u diray Daroowalada ka xeysa Gaadiidka waa weyn ee Mooto Bajaajka ka soo qaada Magaalooyinka kale.
Ku dhowaad 700 oo Bajaaj ayaa ka shaqeysa Magaalada Baydhabo, kuwaas oo Maamulka Nabadgelyada Magaalada Baydhabo ay u kala saareen labo qeybood si uu u yaraado mashquulka badan.


