DHAGEYSO: Banaanbax ka dhacay Puntland

Garowe-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Garowe ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Deegaanada Maamulka Puntland.

Banaanbaxa ayaa sidoo kale waxaa looga soo horjeeday in dadka ay si sharci daro ah ku joogaan Deegaanada Puntland.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa ka kala yimid xaafadaha iyo Degmooyinka Maamulka Puntland, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan Itoobiyaanka ku sugan Deegaanada Puntland.

Qaar ka mid ah Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in Dadka Itoobiyaanka ah ay ku sii sugnaadaan Deegaanadooda.

Waxa ay Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ugu baaqeen in si deg deg ah looga saaro dadka Itoobiyaanka ah Deegaanada Puntland, iyagoo sheegay in aysan suuragal aheyn in shacabka reer Puntland iyo Dadka Itoobiyaanka ah ay ku wada noolaadaan Hal meel.

Puntland ayaa horey Go’aano uga soo saartay dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Deegaanada Puntland, iyadoo Puntland ay horey dadka itoobiyaanka ah ugu eedeysay in ay qeyb ka yihiin amni darada ka jirta Deegaanada Puntland.