DHAGEYSO: Madaxweynaha oo Qudbad ka jeediyay shirka Jowhar ka socda

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi  uu hogaaminayo ayaa maanta Barkhadii gaaray Magaalada Jowhar oo xarun u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka, Duubabka Dhaqanka iyo xubno kale.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Garoonka Diyaaradaha iyo goobta uu ka socdo shirka la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Qudbad ka jeediyay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ee ka socda Magaalada jowhar, wuxuuna sheegay in aan wax fara gelin ah lagu sameyn doonin Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD in ay madax banaani siin doonaan Ergooyinka iyo Waxgaradka soo dhisaya Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baaqday safar uu ka tagi lahaa Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.