Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto.
Waxaa sheegay in Shirkaasi looga hadli doono arrimo ku saabsan horumarka dowlad goboleedyadda.
Madaxweyne Gaas ah ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.




