Ugu yaraan10 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dagaal xalay laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen dhinacyadi iska soo horjeeday.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Maxaas Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dhaawacyada malayshiyaadka dagaalamay la geeyay isbitaalada magaalooyinka Guriceel iyo Baledweyne.
Dagaalka xalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul la degaameyn rabay.
Sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka dagaalka ayaa ahaa mid xooggan , waxaana uu sheegay in ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 qof.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xasilinaayo Xaaladda hadda ka jirta duleedka degmada Maxaas.
Xiisad ayaa hadda ka taagan meelihii lagu dagaalamay ,iyadoona beelihii dagaalamay ay ishorfadhiyaan.




