Arsenal oo dooneysa daafac ka tirsan Man United

Arsenal ayaa indhaha la raaceysa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Manchester United Chris Smalling – tani waxay imaaneysaa iyadoo Red Devils ay maanta oo Arbaco ah dhammeystiri doonto saxiixa daafaca reer Sweden Victor Lindelof oo kaga soo biiraya kooxda Benfica ee dalka Portugal.

Victor Lindelof ayaa maanta tijaabada caafimaadka u mari doona Man United ka dib markii uu xalay ciyaaray kulankii ay xulkiisa Sweden xalay oo Isniin aheyd wajaheen Norway.

Tababare Jose Mourinho ayaa xilli ciyaareedka soo aadan wuxuu labadiisa daafac ee dambeedka dhexe ka dhigan doonaa 22 sanno jirkaan Victor Lindelof iyo Eric Bailly, halka Phil Jones uu keydka u fariisan doono.