Ciidamada badda ee la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida ayaa waxa ay sheegeen in ay xoojinayaan dagaaka lagula jiro Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada heegan buuxa la geliyay si ay ugu hortagaan in Kooxaha Burcadbadeeda ay Afduubtaan Maraakiibta Ganacsiga ee Maraya Baab Al Mandab, oo ah Marin isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan.
Ciidamada badda ee ku bahoobay la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida ayaa sidoo kale waxa ay tilmaameen in laga cabsi qabo in Afduubyo ay geystaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay , waxaana ay Afduubyo ku geysteen Maraakiib ganacsi.
Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.
Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.
Ciidamada dagaalka kula jira Kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliya ayaa ka kooban 31 dal, waxaana xaruntooda ugu weyn ay ku taalla dalka Baxreyn.


