Wararkii ugu dambeeyay Madaafiic lagu garaacay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic xalay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin  degaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr Madfac ay Al-Shabaab ay la beegsadeen Saldhiga AMISOM.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in xalay Saqdhexe ay kusoo baraarugeen daryanka Madaafiicda ku dhaceysa degaanka.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaasi Xoogaga Shabaab ay ku weerareen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Biya Cadde.

Ciidamada AMISOM ayaa wali war kasoo saarin Madaafiicda xalay lagu garaacay Saldhigooda.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro iyo Madaafiic ku garaaca Saldhigyadda Ciidamada dowladda iyo sidoo kale kuwa AMISOM.