DHAGEYSO: Iskuulada Dheere Xaaji Dheere iyo Sheekh Caanoole oo isku arkay Tartanka Risaala “SAWIRRO”

Iskuulada  Dheere Xaaji Dheere iyo Sheekh Caanoole ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala, kaasi oo ay taaba gelinayso Jaamacadda Banaadir.

Jaamacadda Banaadir ayaa ka mid ah Jaamacadaha ugu faca weyn ee ku yaalla gudaha dalka, waxaana inta badan ay ka qeyb qaadataa oo ay taaba gelisaa Tartamada nuucaan oo kale ee ay qabato Risaala.

Su’aalaha la isku weydiinayo Tartankan ayaa waxa ay yihiin kuwo ku saabsan Afka-Soomaaliga iyo Taariikhda dalka, waxaana looga gol leeyahay hormarinta Afka-Soomaaliga.

Labada iskuul ayaa soo bandhigay Tartan aad u xiiso badan.

Iskuulka Sheekh Caanoole oo galabta adkaaday ayaa keensaday dhibco gaaraya 11 halka Dheere Xaaji Dheere oo laga badiyay uu keensaday 4 dhibcood.

Xasan Cabdi Axmed  oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dusgiyada sare ee Idaacadda Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada Tartanka iyo iskuulka badiyay.

Maalinta berri ah waxaa tartami doona iskuulada Al-Najaad iyo Tanaad.

2 DSC_1203 DSC_1208 DSC_1209 DSC_1215 DSC_1222 DSC_1229 DSC_1241