Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Sh/hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal  Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM  oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhexmaraya gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka dhexmaraya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa badankiiso waxaa uu ka dhacaya degaanka Jannaale, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday madaafiic, taasoo lagu soo waramayo inay geysteen khasaare kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee hada naga soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu hada ka socdo agagaarka degaanka Toora Toorow oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.