Taliyaha Ciidamadda Taraafikadda Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay howlaha Taliska Ciidamada Taraafikadda ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka hadlaayay howlgalladii maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Taraafikadda ay ka wadeen Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay kula dagaalamaayeen gawaaridda lagu baakimo Hareeraha Wadadda Maka-almukarmaha ayaa yiri,“gaarigii aan soo qabano ee aan kasoo qaadno goobaha baakinka loo diiday ee wadada hareeraheed ah qofka sheeganayo waxaa laga doonayaa in uu la yimaado buug uu ku cadeynayo lahaanshihiisa waxaana qasab ah in uu Magaciisa ku qornaado ” .
Waxaa uu uga digay baabuurta in la dhigto goobihii horay looga mamnuucay.
Taliyaha ayaa Sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in qofka gaariga iibsanaaya in buuga gaariga lagu qoro Magaciisa hadii kale loo arki karo gaarigaasi in uusan laheyn.
Taliyaha ayaa walaac ka muujiyay Baabuurta la kala qaadanaayo , taasoo uu sheegay in aysan sharciga waafaqsaneyn ,islamarkaana qof lagu arko gaari uusan Magaciisa ku qorneyn asagoo wata tilaabo laga qaadi doono.


