Madaxweyne Farmaajo oo xarun cusub ka dhagax dhigay Kismaayo

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhagax dhigay xarunta heer Federaal oo laga dhisaayo Magaalada Kismaayo, taasoo loogu tala galay in ay degaan Wasaaradaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay xaruntaan ,islamarkaana Wasaaradaha kala duwan ee dowladda ay ka furan doonaan Xafiisyo si bulshada kunool Jubbaland ay Kismaayo uga helaan Adeegyadda ay u baahan yihiin.

Axmed Madoobe Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa horay Madaxda dowladda uga codsaday in kismaayo laga hirgaliyo xarun heer Federaal ah.

Shacabka kunool gobolada dalka ayaa dhibaato ku qaba Adeegyadda ay bixiso dowladda , waxaana qaarkood ay usoo doontaan Magaalada Muqdisho.