Ciidamo qabsaday Xaafadda Al-Sixa

Milatariga dowladda Ciraaq ayaa  Saxaafadda u sheegay in ay dib u qabsadeen mid ka mid ah xaafadaha ku yaala galbeedka magaalada Mosul.

La wareegitaanka Xaafadaan ayaa yimid ka dib Markii ay Weerar ku qaadeen Ciidamada Ciraaq goob ay ku sugnaayeen Kooxda Daacish.

Ciidamada gaarka ah ee Ciraaq waxa u suurto galay in ay qabsadaan xaafadda Al-Sixa, sidaana waxa sheegay Kornayl Cabdelamiir Yaar Allah oo hawlgalka Mosul hogaaminaya.

Saddexdan xaafadood ee ay ciidamada Ciraaq haatan duullaanka ku qaadeen waxay dhammaantood ku yaallan dhinaca woqooyi ee qaybta qadiimka ah ee magaalada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad laba boqol oo kun oo qof ay weli ku xannibanyihiin qaybaha kale ee ay Daacish gacanta ku hayso, arrintaasina waxay caqabad ku noqotay ciidamada Ciraaq oo u tudhaya dadka rayidka ah ee goobahaa degan.

Waxa xusid mudan in ciidamada Ciraaq bilaabeen hawlgallada milatari ee ay doonayaan in ay dib ugu qabsadaan magaalada Mosul todoba bilood ka hor, ilaa haddana waxay ku guulaysteen in ay qabsadaan inta badan magaalada.