Kenya oo ilaalinaysa Anteenooyinka isgaarsiinta

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xarumaha isgaarsiinta ee ku yaalla gobolka Waqooyi Barri ee dalka Kenya.

Ciidamadaan ayaa waxaa loogu tala galay in ay ilaaliyaan Anteenooyinka Shirkadda Safaricom oo dhowr jeer ay Al-Shabaab burburiyeen.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya ayaa warbaahinta dalka Kenya u sheegay in ciidamadaan ay ilaalin doonaan xarumaha Shirkadda Safaricom gaar ahaan Anteenooyinka oo Al-Shabaab bilwalba ay burburiyaan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in la diyaariyay ciidamo badan oo ilaalin doona tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Mandera oo inta badan Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan.

Al-Shabaab ayaa sanadyadii lasoo dhaafay labo jibaaray Weerarada ay ku hayaan Anteenooyinka isgaarsiinta ee ku yaalla dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.