SAWIRRO: Qaraxyo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Ciidamada Puntland, ayaa sheegay Koontaroolka Magaalada Boosaaso inay ku qabteen gaari siday Khudaar, laguna soo dhex qariyay waxyaabaha qarxa oo aad u fara badan.

Gaarigaan ayaa la sheegay nuuciisa inuu yahay Candha maydle (Waaraad) islamarkaana qaraxyada lagu soo dhex qariyay la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Boosaaso, sida Saraakiisha ay sheegeen.

Sawirro ay soo bandhigeen laamaha ammaanka Puntland ayaa muujinaayay Qaraxyada iyo sidoo kale qalabka loo yaqaan (Phoneye) ee adeega Isgaarsiinta ciidanka ku kala warqaataan.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigay laba nin oo ay sheegeen inay ku qabteen gaariga siday khudaarta ee qaraxyada laga soo buuxiyay.

Inkastoo Saraakiisha weli aysan Warbaahinta la hadlin oo aysan bixin faah-faahin rasmi ah oo ku aadan qaraxyadan saaka ciidamada Puntland ay ku qabteen Koontaroolka Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha dambi baarista Puntland ayaa wareysanaya shaqsiyaadka la soo qabtay ee gaarigaasi waday si ay u bixiyaan macluumaad ku saabsan qaraxyada iyo halka ay ka soo qaadeen.

4 3 2 1 5 1