Wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa waxa uu ka hadlay eedeyntii maamulka Puntland ay ujeedisay dowladda Soomaaliya, iyadoona eedeyntaasi ay ku aadaneyd in aysan ka gacan marneyn kooxihii hubeysnaa ee gaaray xeebaha maamulka Puntland.
C/raxmaan Odowaa wasiirka arimaha gudaha xukumadda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Warka ka soo yeeray wasiirka amniga maamulka Puntland uu yahay wax laga Xumaado.
“Dowladda federaalka Soomaaliya wax Xariir ah kalama dhexeeyo ururka Al-shabaab”
Hadalka wasiirka arimaha gudaha ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maanta wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali uu dowladda ku eedeeyay in aysan ka gacan marneyn kooxihii gaaray Xeebaha Puntland.


