Bayern Munich ayaa cunaqabeyn ku soo rogtay Pep Guardiola oo ah macallinka cusub ee Manchester City. 45 jirkan reer Spain ayaan awood u yeelan doonin inuu la soo wareego xiddig ka tirsan kooxda reer Jarmal.
Tiro ka mid ah cayaartoyda ugu muhiimsan Bayern, sida Thiago Alcantara, Manuel Neuer iyo David Alaba ayaa si weyn loola xiriirinayaa Man City, waxaana jira warar sheegaya in ay soo raaci doonaan Guardiola.
Karl-Heinz Rummenigge, agaasimaha Bayern Munich ayaa wargeyska Bild u sheegay ” Weligeed Pep Guadiola uma soo dhowaanin David Alaba,si uu ugu kaxeysto Man City” . Xitaa iskuma dayin inuu kala hadlo arimo la xiriira suuqa”.
Bayern ayaa ku adkeysaneysa in aysan dhibaato kala dhaxeynin Guardiola ,waxayna ku kalsoon tahay in xiddig ka tirsan Munich uusan aadi doonin Man City.
” Ma dhici doontoo weligeed inay naga tegaan cayaartoy si ay ugu biiraan City.Mana aamisani in Guardiola uu sidaas sameyn karo”.sidaas waxaa yiri Karl-Heinz Rummenigge.
“Waan ogahay in Guardiola uu ku mashquulsan yahay saxiixyadiisa cusub ee Man City ,laakiin waxaan ku kalsoonahay inaysan na saameyn doonin ananga”


