Berri oo Sabti ah Xildhibaanada Aqalka Sare iyo sidoo kale golaha Shacabka waxaa khudbado ka horjeedin doona Sideed Musharax.
Musharaxiinta Khudbadaha jeedin doona Sabtida ee ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa kala ah:
- Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole
- Cabdulaahi Cali Axmed
- Cabulaahi Cali Xasan
- Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi
- Cali Xaaji Warsame
Shalay ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa khudbado ka horjeediyay 7 Musharax oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale Maalinta Axada ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo dooda oo la dhageysto Sideeda Musharax ee ugu dambeysa.


