Kadib Racfaan ay qaadatay Man United oo ku aadan bad-qabka garoonka Trafford iyo xilliga la dheeli doono kulanka u dhaxeeya Red Devils iyo Liverpool ayaa keentay in xiriirka qaaradda Yurub ay dib u dhegigaan kulanka lugta 2-aad ee labadan koox ay dheeli doonaan Europa League-ga.
Saacaddii la dheeli lahaa Lugta labaad Europe League ee Man United iyo Liverpool ee horey loo qorsheeyay ayaa dib loo celiyay iyadoo laga dhiggay 20:05 GMT, xilliga saacadda London ee bishuna tahay March 17.
Wareegga 16-ka ee Europa League-ga ayaa caadiyan la baastaa ama la bilaabaa 6pm ee saacadda Yurub,laakiin kulamada is-xig xiga ee horyaalka England iyo mashquulka badan ee kooxaha ayaa keenay in saacado dib loo dhigo kulanka lugta 2-aad ee Man United vs Liverpool.
Guddiga garoonka Trafford ayaa racfaan ka dhan ah xilliga ay cayaarta bilaaban laheyd u gudbiyay Uefa, waana sababta is-baddelka loo sameeyay.
Man United iyo Liverpool oo aad u xifaaltama ayaa markii ugu horeysay ku kulmaya tartanka Europa League-ga waxaana la filayaa in dagaal adag uu ka dhex-dhici doono labadan koox.


