Tababaraha qaranka Brazil Dunga ayaa qarankiisa kusoo daray qadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho iyo xidiga Juventus Alex Sandro.
Brazil ayaa isku diyaarineysa isreeb reebka koobka aduunka iyadoo ku dhaceysa qaramada Uruguay iyo Paraguay.
Xidiga qadka dhexe ee Liverpool Coutinho ayaa booskiisa waayay bishii October ee sanadkii hore halka daafaca bidix ee Juventus uu isna markiisii ugu horeeyay qaranka boos ka helayo tan iyo bishii November ee sanadkii 2014.
Goolhayaha Valencia Diego Alves ayaa sidoo kale kusoo laabanaya xulka Brazil isagoo badali doona goolhaye Jefferson.
Tababare Dunga ayaa sidoo kale qaranka ugu yeeray David Luiz iyo Marquinhos halka boos loo waayay daafaca PSGThiago Silva, kaas oo aan qaranka kasoo muuqan ilaa dhamaadkii Copa America ee sanadkii hore.
Sidoo kale waxaa boos ka waayay qaranka ciyaaryahanka Benfica ee Jonas, halka weeraryahanka 35-jirka ah ee Ricardo Oliveira uu isna boos helay.
Xulka shanta mar ku guuleystay koobka aduunka ayaa marti gelin doona Uruguay 25-ka bisha March iyagoo kadibna 29-ka isla bishan March usafri doona dhanka qaranka Paraguay.
XULKA OO DHAN.
Goolhayaasha: Alisson (Internacional), Marcelo Grohe (Gremio), Diego Alves (Valencia).
Daafaca: David Luiz & Marquinhos (PSG), Miranda (Inter Milan), Gil (Shandong Luneng), Danilo (Real Madrid), Dani Alves (Barcelona), Filipe Luis (Atletico Madrid), Alex Sandro (Juventus).
Qadka dhexe: Fernandinho (Manchester City), Renato Augusto (Beijing Guoan), Philippe Coutinho (Liverpool), Oscar & Willian (Chelsea), Lucas Lima (Santos), Kaka (Orlando City), Douglas Costa (Bayern Munich).
Weerarka: Neymar (Barcelona), Hulk (Zenit), Ricardo Oliveira (Santos).


