Orodyahanka reer Koonfur Afrika Oscar Pistorius ayaa loo diiday inuu racfaan ka qaato xukun dil.
Dacwad oogaha ayaa sheegay, in maxkamada dastuurka ay go’aan ku gaartay inuusan haysan fursad uu iskaga difaaco inuu dil gaystay.
Waxaa lagu helay danbi inuu dilay saxiibtiis, Reeva Steenkamp, February 2013.
Pistorius ayaa ku soo noqonaya maxkamada si loo xukumo, waxaa horyaala ugu yaraan shan iyo toban sano oo xarig ah.