DHAGEYSO: Kulankii baarlamaanka ee Su’aalo weydiinta oo la soo gaba gabeeyay

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gaba gboobay kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo Xildhibaannada Baarlamaanka su’aallo ku saabsan ammaanka dalka ku weeydiinayeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Taliyeyaasha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya qaarkood.

Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa nooga warbixiyay waxyaabaha kulanka ka soo baxay.