Qarax weyn oo gilgilay caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa waxaa uu galaaftay ugu yaraan nolosha 28 qof 60 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waddankaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli basas ay leeyihiin milateriga ay ku istaageen samaafaraha ama nalka taraafikada meel u dhaw baarlamanka iyo xarunta dhexe ee milateriga dalkaasi.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo baajiyay safar uu ku tagi lahaa dibadda ayaa waxaa uu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray fulayada qaada weerrarada noocan oo kale ah iyo cidda ka dambeysa.
Ila wareed ka tirsan ammaanka Turkiga ayaa waxa uu durbadiiba farta ku taagay kooxda la mamnuucay ee dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka Kurdiyiinta ee PKK.
Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xulafada NATO ay ka garan taagan yihiin Turkiga dagaalka ay kula jirto argagixisada.
Ciidammada Turkiga ayaa dhawaan waxa ay xoojiyeen weerrarada ay ku hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya, kuwaasi oo ay Turkidu leedahay waxa ay ku xiran yihiin PKK.


