Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadeedu, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, 26-kii bishan ka fuliyeen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka laba kale dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in horjoogeyaasha la dilay ay kala ahaayeen Cabdullaahi Maxamuud Abuukar (Abuu Khaalid), oo ahaa madaxa maleeshiyaadka ay Al-Shabaab ugu yeeraan Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle, iyo nin lagu magacaabo Ayuub, oo xilkaas ka hayay deegaanka Afarta Tuulo.
Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu dhaawacay, sida ay NISA sheegtay, horjooge Macallin Mursal oo kooxda u qaabilsanaa beeraha iyo kanaallada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo horjooge Faysal oo mas’uul ka ahaa maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Jalalaqsi.
NISA ayaa sheegtay in ragga la beegsaday ay dhowaan soo dhammeysteen tababar muddo lix bilood ah oo ay ku qaateen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in howlgalka uu dhacay xilli xubnaha la beegsaday ay qorsheynayeen tallaabooyin ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka, gaar ahaan dadka ku howlan wax-soo-saarka beeraha.
Ugu dambeyn, NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga hortago weerarradooda, loona xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.





