Iska horimaad xooggan oo ka dhacay Beledweyne.

Iska horimaad xooggan ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada deegaanka ee loo bixiyay Dulmi-diid lagu dilay agagaarka Buundada Liqliqato.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in askariga ay dileen ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha degmada Beledweyne ee maamulka Hirshabeelle, Cumar Cismaan Calasow, iyo guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka, Ibraahim Cismaan Cali.

Dilkan ayaa dhaliyay xiisad iyo iska horimaad u dhexeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo ciidamada ilaaliya mas’uuliyiinta Hirshabeelle ee deggan agagaarka Hoteel Galbeed, oo ku dhow Buundada Liqliqato.

Dhanka kale, ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa la wareegay koontaroolka Buundada Liqliqato, halkaas oo ay isaga baxeen ciidamadii xoogga dalka ee horay ugu sugnaa.

Ciidamada la wareegay koontaroolka ayaa waxaa hoggaaminaya Shiine Bakaal oo ah guddoomiyaha degmada Beledweyne ee garabka ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya maamulka Hirshabeelle iyo garabka kacdoonka ka dhanka ah maamulkaas ee gobolka Hiiraan.