Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada dowladda Mareykanka, ayaa xalay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Leego.
Duqeynta ayaa lagu burburiyay fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab u adeegsan jireen keydinta hubka iyo agabka qaraxyada, sida lagu sheegay warbixinta howlgalka.
Goobaha la duqeeyay ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jireen qaraxyo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab qorsheynayeen inay dhulka ku aasaan, iyo kuwo horay loo aasay, kuwaas oo loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo shacabka rayidka ah iyo gaadiidka isticmaala waddada isku xirta gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab iyo saaxiibada Mareykanka ay ku doonayaan inay kaga hortagaan khataraha amni ee maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan qaraxyada lagu bartilmaameedsado shacabka iyo dadka safarka ah.
Dhanka kale, ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda ayaa wada howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo awooddooda ciidan, laguna xaqiijiyo amniga deegaannada iyo waddooyinka muhiimka ah ee dalka.




