Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan kasoo saaray xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo dowladda Imaaraadka ku eedeeyay faragelin ka dhan ah qaranimada, madax-bannaanida iyo amniga Soomaaliya.
Kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo maanta Muqdisho ka dhacay, uuna shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay xaaladda xiriirka labada dal iyo heerka ay gaarsiisan tahay faragelinta Imaaraadka, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah faray inay wadatashi ugu yeerto safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, sidoo kalena safiirka Imaaraadka ee Muqdisho ku wargeliso inuu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu galay xaalad xasaasi ah, kaddib tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya qaaday, kuwaas oo muujinaya in khilaafka labada dhinac uu sii xoogeysanayo.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa kulankooda kaga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgalada ciidamada iyo arrimaha bulshada, iyadoo Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Warfaafinta ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo howlgalada socda.
Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ku saabsan waxbarashada xirfadaha iyo farsamada gacanta, gaar ahaan machad farsamo oo ay dhigtaan 670 arday.
Kulanka waxaa lagu maamuusay Xasan Maxamed Guutaale, oo tan iyo 1991-kii ilaalinayay dhismaha machadka farsamada ee loo yaqaanay Xero Jarmal, isagoo ku guuleystay inuu ilaaliyo dhismaha iyo hantida machadka. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay halyeey Soomaaliyeed, kuna bogaadiyay dadaalka waddaninimo ee uu dalka iyo dadka u sameeyay.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare warbixin ku saabsan hirgelinta waxbarashada dadka maqalka la’, iyadoo la soo bandhigay habka waxbaridda iyo luuqadda suul-dhabbaalaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in daryeelka iyo waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay tahay waajib dastuuri ah iyo mid diimeed.




