Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, oo ahaa Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, sida uu ku sheegay qoraal rasmi ah oo uu soo saaray gelinkii dambe ee xalay.
General Cabdalla ayaa sababaha iscasilaaddiisa ku sheegay cadaalad-darro, ku-takri-fal awoodeed iyo musuqmaasuq, isagoo sidoo kale xusay in awoodda ciidanka si sharci-darro ah loogu adeegsaday burburin, barakicin iyo dano siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay inuu muddo dheer madaxda dalka ka sugayay inay wax ka qabtaan arrimahaas, balse uu go’aansaday inuu xilka ka tago, kuna biiro safka muwaadiniinta u halgamaya cadaalad, sharci iyo Soomaaliya barwaaqo ah.





