Kenya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee kordhinta taageerada AUSSOM.

Dowladda Kenya ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Mareykanka ee ah in muddo hal sano ah loo cusbooneysiiyo taageerada dhaqaale iyo saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

 

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Korir Sing’Oei, ayaa sheegay in go’aanka Washington uu yahay tallaabo muhiim u ah sii socoshada howlgalka Midowga Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya.

 

Sing’Oei ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in Kenya ay si weyn u soo dhaweyneyso go’aanka Mareykanka, isaga oo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay xaqiijinta kala-guur habsami leh oo howlgalka AUSSOM ah iyo ilaalinta guulihii laga gaaray xasilinta Soomaaliya.

 

Go’aanka Mareykanka ayaa yimid kaddib markii Washington ay markii hore qorsheyneysay inay joojiso maalgelinta UNSOS, oo door muhiim ah ka qaata bixinta shidaalka, sahayda, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.

 

Mareykanka ayaa markii dambe dib uga laabtay mowqifkiisii hore, isagoo shaaciyay inuu taageerayo muddo hal sano ah oo loo cusbooneysiinayo waajibaadka labada howlgal.

 

Taageeradan ayaa muhiim u ah sii wadista howlgalka AUSSOM, xilli ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ay wajahayaan caqabado dhaqaale iyo amni, isla markaana ay socdaan qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed si ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

 

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna si dhow ula socotaa xaaladda amni iyo mustaqbalka howlgalka.