Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo sheegtay in Saylac ay leedahay Itoobiya.

Taliyaha guud ee Ciidamada Milatariga Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hadal dhaliyey muran ka dib markii uu magaalada Saylac ee Soomaaliya ku tilmaamay dhul ay leedahay Itoobiya, isaga oo si gaar ah ugu xiriiriyey gobolka Tigreega.

Jeneraalka ayaa hadalkan la sheegay inuu ka jeediyey kulan uu 13-kii Nofeembar kula yeeshay dad ku sugan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreega, halkaas oo uu kaga hadlay taariikhda iyo dhulalka uu ku dooday inay xiriir la leeyihiin gobolkaas.

Hadalkan ayaa dhaliyey falcelin, maadaama Saylac ay tahay magaalo taariikhi ah oo Soomaaliyeed, isla markaana ku taalla gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya.

Sheegashada Jeneraalka ayaa imaanaysa xilli Itoobiya ay muddooyinkii dambe raadineysay marin ay ku hesho Badda Cas, waxaana arrintan ay dib u soo nooleyn kartaa walaacyada laga qabo damaca dhuleed ee Itoobiya iyo saameynta uu ku yeelan karo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in hadalkan uu ku soo aadayo xilli Soomaaliya ay wajaheyso khilaaf siyaasadeed oo xooggan, kaas oo la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muranka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Xaaladdan ayaa sii adkeyneysa duruufaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo hadallada noocan ah ay soo baxayaan xilli loo baahan yahay in si dhow loola socdo arrimaha la xiriira madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.