Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah, 17-ka Nofeembar 2026, kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo ajandaha kulanka uu diiradda saarayo xaaladda siyaasadeed, khilaafka doorashooyinka iyo muranka ka dhashay wax-ka-beddelka Dastuurka dalka.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed iyo mid sharci oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kaas oo sii xoogeysay kaddib go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee la xiriiray muddo-xileedyada hay’adaha dowladda.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Golaha Ammaanka uu fiiro gaar ah u yeesho fashilka ku yimid dadaalladii lagu doonayay in dowladda iyo mucaaradku ay isugu yimaadaan wada-hadal lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Security Council Report ayaa xaqiijisay in kulanka maanta uu yahay mid gaar ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Kulanka waxaa warbixinno looga dhageysan doonaa laba mas’uul oo muhiim ah:
Martin Kimani, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.
El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AUSSOM.
Labadan mas’uul ayaa la filayaa inay Golaha Ammaanka la wadaagaan warbixinno ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya, howlgalka AUSSOM, taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo caqabadaha hortaagan sii wadidda howlgalka Midowga Afrika.
Dhanka siyaasadda, warbixinta kulanka ayaa tilmaamaysa in xubnaha Golaha Ammaanka ay ka hadli karaan khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka, muranka muddo-xileedyada iyo baahida loo qabo in dhinacyada Soomaaliyeed ay gaaraan heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in laga hadlo go’aankii Maxkamadda Sare ee 5-tii Nofeembar, kaas oo ay ku sheegtay in muddo-xileedyada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka ay dhammaadeen, isla markaana dhinacyada siyaasadda loogu baaqay inay heshiis ka gaaraan hannaanka doorashooyinka.
Arrimaha amniga iyo maalgelinta AUSSOM ayaa iyaguna noqon doona qodobbada muhiimka ah ee kulanka, gaar ahaan kaddib markii uu Mareykanku beddelay mowqifkiisii hore ee ku saabsanaa taageerada UNSOS iyo AUSSOM, isla markaana uu taageeray in maalgelinta loo kordhiyo muddo sanad ah.
Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo weli aan xal laga gaarin khilaafaadka doorashooyinka iyo dastuurka, isla markaana ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu dhiirrigelinayo wada-hadalka dhinacyada siyaasadda.




