Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee muddo sanad ah loogu kordhiyey AUSSOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka dowladda Mareykanka ee muddo sanad kale ah loogu cusbooneysiiyey maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka Mareykanku uu muujinayo sii socoshada iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, xoojinta hay’adaha amniga iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanku yahay saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana taageeradiisa ay gacan weyn ka geysatay ilaalinta guulaha amni ee laga gaaray dalka.

Dowladdu waxay xustay in magaalooyinka waaweyn iyo deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ay maanta ku naaloonayaan nabad iyo xasillooni marka loo eego sidii hore, iyadoo sheegtay in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga saaray deegaanno badan oo dadku ku badan yihiin, ayna hadda ku kooban yihiin goobo tiro yar oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in afartii sano ee la soo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka, kuwaas oo markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada Midowga Afrika.

Waxay sidoo kale sheegtay in cusbooneysiinta maalgelinta Mareykanka ay muhiim u tahay sii wadidda hawlgallada amni, ilaalinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo awood-siinta ciidamada Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan joogitaankooda goobaha la xoreeyey.

Muqdisho ayaa dhanka kale ugu baaqday saaxiibada caalamka inay sii wadaan taageerada dhaqaale, farsamo iyo midda amni ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo qorshaha ay ciidamada qaranku si buuxda ugula wareegayaan amniga dalka.

Dowladda Federaalka ayaa carrabka ku adkeysay inay sii dardargelin doonto dib-u-habeynta hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso Mareykanka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalalka gobolka.