Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille Fardafuul, ayaa ku wareejiyay Taliyaha Komishinka Gobolka Doolo, G/dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud, eedeysane lagu magacaabo Xidig Siciid Sheekh Xirsi, kaas oo lagu eedeeyay inuu dil ka geystay deegaanka Soomaalida Itoobiya 8-dii Oktoobar 2018-kii.
Eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdi Maxamuud Wayrax, waxaana ciidamada Dowladda Puntland ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, kadibna ay ku wareejiyaan dhinaca ay khusayso.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Kusimaha Taliyaha Saldhigga Degmada Galdogob, X/Le C/raxmaan Yaasiin Xasan (Qoodaar).
Kadib wareejinta eedeysanaha, labada taliye ayaa qabtay shir jaraa’id, iyagoo si wadajir ah u sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta joogtada ah ee hay’adaha amniga labada dhinac, gaar ahaan sidii loo fududeyn lahaa qabashada iyo is-dhaafsiga eedeysanayaasha u kala baxsada deegaannada ay maamulaan labada dowladood.
Taliyeyaasha ayaa sidoo kale adkeeyay in iskaashiga amni uu muhiim u yahay sugidda amniga iyo in sharciga la horkeeno dadka lagu eedeeyo falalka dambiyada.




