Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay Rasaas ku fureen Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay inta u dhexeysa Deegaanada Golweyn iyo Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Intal la xaqiijhiyay 2 Qof ayaa ku geeryootey halka sidoo kalena ay 3 kale ku dhaawacmeen, kadib markii ay Rasaas ku fureen Dableyda Gaarigii ay la socdeen Rakaabka.
Kooxihii Rasaasta furay ayaa ka baxsaday goobta ay dhacdada ka dhacday, waxaana ilaa iyo hada aan la ogeyn halka ay tirsan yihiin.
Maamulka gobolka SHabeelaha Hoose weli kama aysan hadlin dhacdadan lagu Rasaaseeyay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.



