Daawo: Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Caabud-waaq

Caabud-qaaw-RisaalaFM- Wasiirka Difaaca dowlada Faderaalka Soomaaliya Cabdi qaadir Shiikh Cali Diini iyo Taliyaha Qaybta 21.aad Generaal Cabdi Yuusuf Faadaco iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasirrka iyo Waftigiisa markii ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta maamulka degmada ee dowlad goboleedka Galmudug iyo Amaanduulaha Ciidamada qaybta 21.aad  Col, Cabdullaahi Aadan Xuseen ( Col Cirro)

Wasiirka Difaaca dowlada Faderaalka Soomaaliya Cabdi qaadir Shiikh Cali Diini ayaa  salaan sharaf ka qaatay  Cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee qaybta 21.aad

Wasriirka ayaa sheegay in safarkiisa uu yahay sidii dowlaoda dhexe ay shacabka ula wadaagi lahayd dareenka waxaana uu shacabka ku booriyay in laga shaqeeyo midnimada.

G1G2G3