J/Hoose-RisaaalaFM- Howlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ka dhacay xalay deegaan lagu magacaabo Buur-koy oo ka tirsan gobolka J/hoose.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa sheegay in ay howlgalkaasi khasaare balaaran lagu gaarsiiyay Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddax ka tirsan Dagaalyahanada Shabaab.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Ciidamadeenna oo ay isgarabsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa si xeeladaysan u Qorsheeyay Fulinta iyo ku guulaysiga howlgalkaasi, waxaanan sii wadi doonaa in aan ka ugaarsanno goob kasta oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Mudooyinkan dambe waxaa socday howlgallo ka dhan ah Al- shabaab, kuwaasi oo la sheegay in la doonayo Shabaab in looga saaro Soomaaliya.


