Dibax looga soo horjeedo Soomaaliland oo ka dhacay Garoowe

Garoowe-RisaalaFM- Waxaa goor dhow magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ka dhacay Dibad bax looga soo horjeedo maamulka Soomaaliland, kaas oo ku aadan sanaadiiqdii cod bixinta ay dhowaan Soomaaliland keentay Garoowe.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntaland, maamulka gobolka Mudug iyo xubno kale.

Boqolaal Dadweyne ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan maamulka Soomaaliland.

Dadweynaha qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan falkii Soomaalilan dhowaan ay gobolka Sanaag ku keentay sanaadiiqda cod bixinta, waxaana dhowaan gobolka Sanaag ka dhacay dagaal u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Soomaaliland.