Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur Tarsan musharixiinta utaagan xilka Madaxtinimo Doorashada sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacdo oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waqtiga badan ee u haray in ay wax badan ku qaban karto hase ahaatee ay ka caga jiideyso.
Tarsan ayaan wax ka weydiinay sababaha in dowladda Soomaaliya ay uga caga jiideyso in Doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay warqad la sheegay in ay ka soo baxday Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya taas oolagu farayay milkiilayaasha Hotelada in Hoteladoda aan lagu qaban karin kulan aysan ogeyn Wasaaradda Amniga, waxaana la sheegay in lagu sugayo amniga Muqdisho.
Tarsan ayaa sheegay in amarkaasi lagu dhabar jebinayo kulamada siyaasadeed ee looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya dad gaar ahna ay doonayaan in ay sii heystaan awooda dalka.


