Amnesty oo sheegtay in boqolaal masaari ah la la’yahay

Laamaha ammaanka ee dalka Masar ayaa ka dambeeyay boqolaal dad ah oo awood loo sheegtay, la jir dilay, lana waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen sanadkii la soo dhaafay.

Laamaha ammaanka ayaa arrintaas sameeyay iyaga oo isku dayaya in ay ka hortagaan mucaaradka, sida ay sheegayaan qolyaha xuquuqda aadnaha u dhaqdhaqaaqa.

Dadka la waayay waxaa ka mid ah arday, dadka siyaasadda u ol’oleeya iyo mudaaharaadeyaal.

Dadkaas la waayay qaarkood waxay jiraan 14 sano sida ay sheegtay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International.

Waxaa la sheegay in dad badan ay xirnaayeen bilo wakhtiga intiisa badana indhaha laga xiray, markastana ay gacmaha ka xirnaayeen.

Wasiirka arrimaha guduhu wuu diiday eedaymahaas

Dawladda Masar waydiiday in ay adeegsanayso awood oo dad la’layahay iyo in ay jirdil gaysato

Wasiirka arrimaha gudaha Magdy Abdul Ghaffar ayaa ku adkaystay in laamaha ammaanka ee Masar ay ku dhaqmaan shuruucda dalka u taalla.

In kabadan 1,000 ruux ayaa la dilay, 40,000 ayaana la rumaysan yahay in la xiray tan iyo markii Madaxwayne Abdul Fattah Al-Sisi uu qaab millatari kagala wareegay talada Maxamed Mursi oo ahaa madaxwaynihii koobaad ee si dimuqraadiyad ah loo doortay 2013-kii.

Philip Luther ah masuulka Amnesty u qaabilsan bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa sheegay in dadka lawaayayo ay “furo u noqotay siyaasadda dawladda” intii ay xilka hayeen Sisi iyo Cabdul Qaffar oo talada xilka qabtay bishii saddexaad ee 2015-kii.

Amnesty waxay sheegtay in maalinkaste la xiro saddex ilaa afar ruux iyada oo laamaha ammaanka oo aad u hubaysan oo ay hogaaminayaan xubno ka socda laanta sirdoonka qaranka ee NSA ay weeraraan guryaha.