Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay dadaalada dowladda ay wado ee ku aadan isku dhafka dhamaan ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan in dadaaladaas oo waqti hore soo bilowday haatan ay marayaan meel wanaagsan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageeraan dadaalada ay wado dowladdiisa ee ku aadan isku dhafka ciidamada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo mideysan kuwaas oo wax ka bedeli kara xaalada dalka, sidoo kalena ciidanka AMISOM kala wareega howsha ay haatan ka hayaan Soomaaliya.


