Maamulka Jubbland ayaa si kulul uga hadlay dhulalka sharci darada ah ee laga dhisaayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.
Wasiirka Wasaarada howlaha Guud ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digay in si sharci daro ah lagu dhisto dhulka dowladda Soomaaliya ee ku yaala magaalada Kismaayo.
Shukri weyrax Kaariye oo ah wasiirka howlaha guud ee jubbaland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin hadii ay yihiin maamulka Jubbaland in dhulkii ay lahaan jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay shaqsiyaad gaar ah ay ka dhistaan magaalada Kismaayo iyo sidoo kale deegaanada uu maamulo maamulka Jubbaland.



