Wararka naga soo gaaraya degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ururka Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool .
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ayaa la sheegay in ay shalay galinkii dambe iska baxeen Rabdhuure waxaana intaas ka dib gudaha u galay ciidamo ka tirsan Shabaab sida ay risaala u sheegeen dad ku sugan Rabdhuure.
Baraha ay Shabaab Wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan degmada Rabdhuure.


