Faahfaahin ka soo baxaysa dhawaqa Hoobiyeyaal xalay laga maqlay Muqdisho

Iyadoo Xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa tiro hoobiyaal ah ayaa wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada waxa ay beenisay in aysan hoobiyaal ahayn .

Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidamada amaanka ee Dowlada ay heegan ugu jiraan ka hortaga dhibaato ay Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in sheegay in Wixii ay xalay shacabku maqleen aysan ahayn hoobiyaal.

Mudooyinkii dambe ayaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa ku soo dhacaayay tiro hoobiyaal ah kuwaasi intooda badan aan khasaaro geysan.