Madaxda Madasha Qaran iyo Beesha Caalamka oo kulan ku yeeshay Beydhabo

Beydhabo-RisaalaFM- Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku sugan magaalada Beydhabo ayaa goor dhow waxa ay kulan la qaateen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo waliba dhameystirka isbedelka la doonayo in sanadkan uu dalka ka hirgalo. waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Beesha Caalamka uu u sheegay in Doorashada waqtigeeda ay dhaceyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Beesha Caalamka u cadeeyay in Guddiyada Farsamada Doorashooyinka aysan ku jiri doonin siyaasiyiin.

Kulanka Madaxda Madasha Qaranka iyo Beesha Caalamka ayaa la sheegay in uu soo idlaaday sida ay inoo sheegeen Mas’uuliyiin ka qeyb gashay kulanka.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa kulamo gaar gaar ku yeelan doona magaalada Beydhabo kuwaas oo looga hadlayo Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan, arimaha amaanka, Isbedelka Dastuurka, Qoondada Haweenka dowladda la dhisayo ay ku leeyihiin iyo arimo kale.