Xukun dil ah oo lagu riday Ninkii dilay Taliyihii Nabad Sugidda Sh/Dhexe

Jowhar-RisaalaFM- Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dhageysatay Kiiska loo haystay Askarigii dilay Taliyihii Nabad Suggida gobolka Shabeelaha Dhexe C/wali Ibraahin oo Maalintii Talaadada lagu dilay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuuliyiinta Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo shalay gaaray Magaalada Jowhar, ayaa durba bilaabay saakay in ay dhageystaan Afar Askari oo loo haystay ku lug lahaanshaha dilka Taliyaha.

Yuusuf Xuseen (Yuusuf Madoobe) oo ah ninka dilka Taliyaha fuliyay ayaa Maxkamada horteeda waxa uu ka qirtay in si bareer ah in uu u toogtay Taliyihii ciidamada Nabad Suggida Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxkamada ayaa Yuusuf Madoobe waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, sidoo kale waxa ay Maxkamada xukuno kala duwan ku riday Saddex Askari oo ka mid ah ahaaciidankii goobta joogay xilliga falka dilka uu dhacayay.

Saddexda askari oo gacan ku dhiiglaha la xirneyd ayaa labo ka mid ah waxaa lagu xukumay Labo sano iyo Lix bilood oo xarig ah, halka midka kalena Maxkamada ay sii deysay.

Tallaabadan sida deg dega ah Maxkamada ay ugu xukuntay dil toogasho ah gacan ku dhiiglaha fuliyay dilka Taliyihii Nabad Suggida gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaa soo dhaweeyay Ehelada Marxuumka la dilay.