Dowladda oo cambaareysay weerarkii Hotel Ambasador lagu qaaday

Muqdisho-RisaalaFM- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa sheegay in ay Xukuumaddu cambaareyneyso weerarkaasi, islamarkaana ay aad uga xun yihiin dhibaatada uu geystay qaraxa.

Ciidamada amaanka dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax udhaceen.

Xildhibaano iyo dad kale oo qurba joog ah ayaa degan Hotelka Ambasador oo ka mid ah Hotelada ugu waa weyn magaalada Muqdisho, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo weli soconaya.

Al-shabaab oo war kooban ku soo qoray ku soo qoray baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotel Ambasador.